حقائق عن الجماعات الدعوية العاملة في الصومال

Section :     Views : 4751 View     Publisher : Admin     Sheikh : ,

Qoraalkani u jeedkiisu waa baraarujin iyo sixid loogu tala galay dadka ama ururada laga hadlaayo iyo ummada muslimiintaba, gaar ahaan dadka soomaalida ah. In wixii khaldan la cadeeyo oo usluub wanaagsan lagu cadeeyo si uu uga faaidaysto qofkii khaladka galay, dadka kalena ayna khaladka ugu dhicin waa arin sharci ah oo waafaqsan shareecada. Culamadii islaamkuna ay ku dhaqmi jireen, kitaabka iyo sunaduna ay sheegaayaan. Markaa qoraalkani waa qoraal loogu talo galay wax sixid, hagaajin iyo baraarujin oo laga wada faaidaysto, ma ahan mid loogu adeegaayo cadawga islaamka sideedaba cadawga islaamku wuxuu ka faaidaystaa khaladka muslimiinta, hadaba marka muslimiintu khaladkooga iska saxaan oo hagaagaan cadawgoogu wax badan uma dhibi karo. Waxaa  aad muhim u ah in lagu dadaalo midnimada ummada oo arin asal islaamka usuushiisa ku jirta ah oo aan ummada lakala gayn oo ay diintooda ku midoobaan. Ummadana in aan lagu kala gayn hawada ama waxa dadka qaar naftoodu jeceshahay sida xukun doonkan ummada wareeriyay oo mustaqbalkoodiina lumiyay sunnadana dadkii ka fogeeyay isla markaana aduun yadoodiina kharibay.


One thought on “حقائق عن الجماعات الدعوية العاملة في الصومال

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *