إياكم والتحزب

Section :     Views : 4613 View     Publisher : admin     Sheikh : ,

Kitaabkan lugu magacaabo إياكم والتحزب (ka digtoonaada kala qoqobka muslimiinta, iyo kooxokooxeysiga), wuxuu dabajoogaa oo uu jawaab u yahay baxthi hadda ka hor la faafiyay oo lugu magacaabo التحزب حقيقته وحكمه , si cilmi ku dhisanna waa looo falanqeeyay qaladaadki ku jiray.

Waxaadna gabagabadii kala soo bixi kartaa kitaabkan arrimaha aan halkan ku soo koobayo:

  1. Dhab ka hadalka kooxeysiga carabi ahaan wuxuu yahay: koox isugu timaadda arrin ay dadka kale uga soocan yihiin. Sharci ahaanna (taxazub ama kooxeysi ) waxaa loo yaqaan koox ku kulanta arrin diini ah oo ay muslinka kale uga soocmayaan.
  2. Kooxeysiga islaamka dhexdiisa laga sameeyaahi waa xaaraan. Daliillada arrintaa ku tusinayaahina waa ay badan yihiin. Sidaa darteed kooxahan badan ee kooxeysiga ku dhisani waa wax aan shareecada ku wanaagsanayn oo ay ka dayrisay kala reeb la’aan.
  3. Axsaabtan diiniga ah ee gadaal diinta looga soo daray marnaba kama marnaan karto tilmaama xunxun oo keenaaya in aanay sinnaba u bannaaneyn in la aasaaso kooxahan diiniga ah.
  4. Ma bannaana in la billowdo ballanku dhisan amar kala qaadasho, si guud iyo si gaaraba, wixii aan ka ahayn ballanka lala gelaayo ninka dowwladda islaamka ka maddaxda ah. Sida aanay Iyana u bannaaneyn in la sameeyo is bahaysi, haba la yiraahdo waxa aannu isku gaashaanbuuraysanaynnaahi waa wax diintu oggoshahay.
  5. Waxaa caddaatay kooxahan axsaabta ah ee dacwada sheegta in aanay ku koobnayn in ay yihiin hab maamul keliya, ee ay yihiin axsaab diini ah. Wixii diinka loo tiiriyo isla markaana aan ka mid ahayni waa bidco.
  6. In axsaab diini ah la unko, loona abtirsado, lana yiraahdo waa wax shareecadu qabto, waa arrin ka hor imanaysa asal ka mid ah asalyaalki islaamka ee ahaa in mid keli ah la ahaado oo aan diinta lugu kala tegin. Sidaas daraaddeed dhammaan axsaabta diiniga ah ee la bidceystay luguma tirin karo ahlusunnada.
  7. Xukunka la siinaayo koox ama qof gooni ahi waa arrin hoos imaanaysa hadba daliilka arrintaa lugu dhisayo, haddii uu mid go’an yahay iyo haddii aanu sidaa gaarsiisneyba.Xukunkii lugu dhiso daliil wax ka hor imaanaya aanu jirin, qofkii ogaadaahi uma bannaana in uu iska diido.
  8. Fataawada culimada sunnada ee casrigan noolaa ama haddaba nool ee ka hadlaysa sameynta ururro dacwo, iyo ka mid noqoshadoodu waxay ugu danbeystii ku caga dhigatay in ay arrintaasi xaaraan tahay, qofkii u tiiriya wax sidaa ka duwaninawaa wax uu ku khaldan yahay.

Haddaba waxaa la gudboon walaalaha kitaabkooda la niqaashay iyo kuwa la fikradda ahba in ay dib isugu laabtaan oo ay dariiqaa ka haraan. Ibni Mascuud ayay qolo bidco sameysay ku yiraahdeen: Wax aan wanaag ahayn ujeeddadayadu ma ahayn, markaas ayuu ugu jawaabay: badanaa dad kheyr doon ah oo aan haddana la waafajin. Waxa aan nafteyda iyo iyagaba u dardaarmayaa in lagu sugnaado sunnada iyo la jirka ummadda muslimiinta. Qofkana waxa u wanaagsan in uu xaqa raaciddiisa ku noqdo mid laga horreeyo, intii uu horjooge ku noqon lahaa xumida.

Allana waxa aan waydiisanaynaa in aanu qalbigeenna leexin hanuunki ka dib, inoona naxariisto isaga ayaa deeq badane.


10 thoughts on “إياكم والتحزب

  1. jaxaakumah khyraa aad baan ujecalahy culadayda aad ka i qiimaha badn ee markasta utaagan in ay diin teena iyo caqiidaeena saxda ah uhiiliyaan ilaahay ha idnka abaal mariyo manhaj onlina waxaan leeyahy idinkuna dadaalkiinu mayara ee ilaahay hadin la qabto jazaaku mullaah khyraa

  2. masha ALLAH. ilaahay khayr ha idinka siiyo khayr oo ha ina waafajiyo khayrka iyo wadada toosan Manhaj online aad baad u dadaalaysaan allah idinka abaal mariyo

  3. Masha allah sheekh Axmed xuseen oo aan rajeynayno asbuucyadaan inuu dalka ku soo noqdo gaar ahaan gaalkacyo

  4. Aad ayaan udaydayay kitaabkan
    Caawa anigoo duruus la dagay ayuu iga soo horbaxay allah haydin barakeeyo manhaj online

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *